DAAWO Culumada Puntland:” BBC-du Waxay Qayb Ka Ahayd Burburka Soomaaliya”

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Culumada Puntland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay War dhawaan ay baahisay Idaacada BBCda oo ahaa, Wiil dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed oo ka baxay Diinta Islaamka, waxaana uu qaatay dhaqano xun xun oo ay leeyihiin reer Galbeedku, waxaana uu ku nool yahay wadanka Maraykanka.

Arrintan ayay BBC-da waxa ay ciwaan uga dhigtay Wiil Soomaaliyeed oo  waxa uu Aaminsan yahay Afrika uga tagay ,taas oo ah caqiido Faasid ah oo ay ku difaacaysay BBC-da, ka bixitaanka wiilkan yar ee diinta Islaamka.

<

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kamid ah Culimada Puntland Ayaa arintaasi si kulul uga hadlay , kuna tilmaamay BBCda in ay tahay idaacad loo dhisay in lagu bur buriyo Soomaaliya qaybna ay ka ahayd Bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Halkan ka daawo  Sheekha;

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *