Daawo: Soomaaliland Oo Hal Go’aan Ka Qaadatay Dawlada Federaalka

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno |

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Saacid Cali Shire ayaa shaaciyey in maamulka Somaliland uu mudo bil ah dib u dhigayo wadahadalkii laga rajo qabay ee ay Madaxdda dowladda Federaalka Soomaaliya kula yeelan lahaayeen waddanka Jabuuti.

Arrintan ayuu sheegay in ay ka danbeysay duruufaha xiligan ka taagan heshiiska dekedda magaaladda Berbera oo dowladda Soomaaliya ay ka gudbisay dacwad ka dhan ah heshiiska ay Somaliland la gashay shirkadda DP World isla markaasna ay dowladda Itoobiya ku yeelatay saami dhaqaale oo gaaraya 19%.

<

Wasiirka Saacid ayaa sheegay inay dhinacooda ay Jaamacadda Carabta u gudbin doonaan dacwad qoraal ah oo ay kaga cabanayaan dowladda Soomaaliya inay arrimahooda faragelin ku hayso.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *