UPDATE: Dawlada Soomaaliya Oo Warqad Dacwad Ah Ka Gudbisay Imaaraatka Carabta

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno |

Qoraal ka soo baxay Safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta 6dii March 2018 ayaa ah mid uu u diyaariyey in lagu daro Ajandaha shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee magaaladda Qaahira uga socda.

Qoraalkan ayaa si cad wuxuu u muujiyey sida dowladda Soomaaliya ay uga xun tahay faragelinta Dowladda Imaaraadka Carabtu ay ku sameysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida heshiiska aysan Dowladda Federaalku ka warhaynin oo ay la gashay Waddan deris la ah soomaaliya oo saami ay ka siisay dekedda magaaladda Berbera.

<

Qoraalkan ayaan la ogeyn in weli lagu daray Ajandaha shirka Jaamacadda Carabta, waxaana soo baxaya in saxiix looga baahan yahay Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha, balse weli aysan caddeyn in ay ogolaadeen in mooshinkaas loo gudbiyo shirka Jaamacadda Carabta.

Halkan ka Akhriso Warqada oo Carabi ku qoran:-

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *