Dhacdo Murugo Badan: Maxaad Ka Og Tahay Ardaygii Jeel Ogaadeen Lagu Ciqaabay?

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno |

Waxuu ahaa Arday isu diyaarinayay imtixaanka fasalka tobnaad, markii uu labadiisa indhood isaga oo kala kari la’ hurdada haysa darteed ay albaabka laad ku soo jabiyeen maleeshiyaad Liyuu Police ah oo la socday Cabdi Iley,Horjoogaha Itoobiya u soo magacaabatay dhulka Soomaali Galbeed ee Ogaadeeniya, “Qalbab, gacmaha kor u qaad?”

“Waxa aan nahay arday raacaneysa cashirkii ay imtixaanaadka ku marilahayeen subaxda barri ah,” ayuu ku yiri Axmed Nuur Yuusuf Cumar, isaga oo buugaagtii iyo qalimaantii faraha ku fiiqaya.

Waxa xigay ee Axmed Nuur xasuusto waxa ay aheyd in uu dhabar-dhabar dhulka u yaalay, wakhti uu soo miyirsaday isaga oo kabaha buudhka askarta uu ka saaran yahay bogga ama xabadka, adinkii Subaxnimo iyo shinbiraha jiriqjiriqleynaya cidoodana meel aan ka fogeyn ka maqlayo.

Axmed oo ahaa arday dugsiga sare ee Wiil-Waal dhigta waxa lagu soo eedeeyay in hawlo ammaandarro uu habeenkaas ku hawlanaa.

Axmed oo dhiig afka iyo sanka ka wada, haseyeeshe, aan mijir qabin ayaa gaari lagu la tagay waxaana la geeyay xabsiga danbi baariska Jigjiga ee Jeelka degmada. Ma jirin cid Axmed u miciintay. Qof walba lafihiisa ayuu u cabsaday.

Axmed waxa uu saacado yar gudahood ku waayay xoriyaddiisii iyo ardaynimadiisii, ka dib markii uu 24 maxbuus oo kale goddheer oo ku yaalay Jeelka Degmada kula saaxiibay, is la markii uu dib u soo miyirsaday subaxnimadii.

“Mudo saddex bilood ah markii aan ku jirnay godkii ayaa nalaga soo saaray oo nala geeyay qol ay dagan yihiin ciidanka Gumeysiga Itoobiya, kaas oo ciqaabta dadka lagu marsiiyo ay caadi ka tahay,” ayuu yiri Axmed Nuur.

Mid ka mid ah 24-kii maxbuus ee uu Jeelka kula kulmay ayaa mid ka mid ah la la baxay. Midkii ku xigay ayaa la la baxay. Marka la soo gaaray wakhtigiisii ayaa inta garbaduub loo xiray labada indhoodna maro’ loogu jiiday la sii tukhaantukhiyay ilaa barxad weyn jilbaha dhulka loo dhigay qorigiina madaxa laga saaray. Hal su’aal kaliya ayaa Axmed la weydiiyay:

“Caawa, haddii aad qiranweydo in aad xubin ka tahay ONLF, waa habeenkii kuugu danbeysay noloshaada Dunida ee ka samir?”

Axmed oo aaminsan raggii isaga ka horeeyay ee la soo celinwaayay in lagu tagay oo ay dad aakharaan noqdeen ayaa wax uu qirto garanwaayay-kuna baryootamay in ay naftiisa u badbaadiyaan, laakiin waxa ay ugu jawaabeen, sidan:

“Warkaagu ma aha mid cad ee is fashili?”

Axmed baaskoolada dabadeeda ayaa madaxa qadaadkiisa lagaga dhuftay markii uu horey u dhacayna waxa ay la dulmareen kabaha ciidanka ee ay xidhnaayeen. Meel nool jirkiisa ayay u diideen waxa ay ugu rideen barbar ilaa uu miyir-daboolmo. Labada garab isaga oo la hayo oo dhulka cagaha loo jiidayo ayaa xabsigii lagu soo dhextuuray qolkii ciqaabta, baldhaq!

Maalintii xigtay si ay cadaawad u kala dhexdhigaan maxaabiista jeel ciqaabeedka ku saaxiibay ayaa nin walba oo kale waxa loo sheegay in uu midka kale fashiliyay sirihiisii oo ay cidna dan u aheyn naftiisa mooye, in uu sheego waxa uu u hayay ONLF.

“Hebal ayaa ku sheegay isna wuu qirtay in uu ONLF ka mid ahaa ee maxaad is ka dileysaa oo aad u qiran la’dahay waxa aad aheyd,” ayay igu dhaheen ayuu yiri Axmed.

“Wax walba, waxbaad ku ilowdaaye, xanuunkii iga soo gaaray jirdilka waxa aan ku ilaaway markii aan arkay hooyo 40 sano jirsatay oo godkii la igu ciqaabay bilo yar ka hor lagu sii dhaadhicinayo. Ruqiya Raabi afar bilood ayay ku jirtay godkaas waxa aanan habeen walba maqleynay dhawaaqa marka ay hufsi iyo jidhdil kula kacayeen askartu,ka hor inta aan maxaabiista kale lagu soo dhexdarin iyada.”
Laakiin, waa bilowgii dhacdooyin is xigxigay oo Axmed mudo labo sano ah goobjooge u ahaa.

Wiil ka mid ahaa ardaydii dugsiga Wiil-Waal oo ay isku fasal ahaayeen Axmed ayaa jirdil nafta loogaga qaaday, si ay ceebahooda u qariyaana waxa ay wiilkii la dhaceen rasaas.
Marxuum Cabdicasiis Sanyare oo ay ku eedeynayaan isku day baxsad in lagu soo dilay ayaa meydkiisa lagu wareejiyay ehelkisii. Alle ha u naxariistee, Ina-Sanyare ma noqon mid iska difaaci karay eedaas uu ka hor dhintay, ehelkiisuna waxa ay u qaateen in wiilkooda la dilay isaga oo baxsad ah.

Is la jeelkii degmada ayaan warkiisa ku jirnaaye waxa uu Axmed yiri, “Hooyo 80 sano jir ah ayaa la keenay, taas oo la soo xiray markii ay tiri, ‘Waxa aan habeen dhaweyd ku riyooday Soomaali Galbeed oo xorowday’.”

<

“Waxa ay ka badbaaday geeri’, ka dib markii ay ku dhicigaartay musqul afweyn oo la aaminsan yahay in ay qodeen Xabashidii la riday ee Dhargida sanadkii 1990-aadkii.”

Jabkii uu Axmed ku soo arkay Jeel Ogaadeen 
Sannadkii labaad Axmed markii uu xabsiga Degmada ugu galay, waxa loo qaaday jeelka aadka u xun ee loo yaqaan Jeel Ogaadeen, kaas oo ilaaladiisa kaliya ka mid noqdo qof la soo cadeeyay in uu yahay mid hooyadii oo dab ku sii dhacaysa in uu ku sii riixi karo.

Axmed waxa uu yiri, “Aniga oo aan wax maxkamad ah la i soo taagin aqoonin waxa la ii haysto ee aan ciqaabtan ku muteystay ayaa la i galiyay Jeel Ogaadeen oo sida ay naaruhu Jahanaba uga subxaanaleystaan si la mid ah Jeelasha kale ee Soomaali Galbeed ku yaala uga Subxaanaleystaan.”

“Jeel Ogaadeen waxa aan kala kulmay ma aha mid qof bini’aadam ah oo Dunidan maanta ku nool uu iga rumeysan karo, marka laga reebo qof ila soo arkay mooyaane.”
Dharkii ayaa laga siibay Axmed is la markiiba waxaana lagu riday goor qabow badan baraag biyuhu la fadhiisteen qabow dartiis.

“Rag iyo dumar u ma kala soocneyn in kasta oo dumarka marka la qaawiyo ee cawradooda la arko ay kufsi kula kacayaan ilaaladda Jeelka,” ayuu hadalkiisa ku daray Axmed.

Maxaabiista Jeel Ogaadeen oo dhexdooda la isu adeegsaday
Jeel Ogaadeen dhibanayaasha aan ku wada jirnay waxaa ka mid ahaa dad siyaasad loo soo xirin oo dil, kufsi ama xatooyo loo soo xiray, kuwaas ayaa loo diray in ay soo basaasaan dadka la xiran ee taageerayaal u ahaa ONLF, iyada oo loo sheegayo in la sii deynayo haddii ay soo ogaadaan qof ka mid ahaa ONLF oo ka mid ah dadka xabsiga ku jira,taas oo albaabka u furtay in qof kasta oo aan danbi’ba galin ay ku soo been-abuurtaan, si iyaga loo sii daayo.

Dad badan oo Axmed Jeel Ogaadeen intii uu ku xirnaa ku bartay ayuu baryihii danbe ogaaday in dhammaantood ay dhinteen, kuwaas oo meydkoodii lagu guray *Gidhibka, oo macnaheedu yahay biyo-xireenka Jigjiga.

Qalbidhagax walaalkii oo jirdil loogu dilay Jeel Ogaadeen
“Nin quraan akhris badan ayaa jecleystay in uu mar walba i la sheekeysto marka barxadda Jeelka naloo soo saaro, waxa uu maalin-maalmaha ka mid ah i weydiiyay in aan waligey qof bini’aadan ah dhib u geystay iyo in kale?”

Ninkan oo magaciisa igu baray Sheekh Ibraahim Sheekh Muuse oo la dhashay Qalbidhagax ayaa mar aan waydiiyay waxa lugta midig ee misigta ku go’an ka helay. Waxa uuna ii sheegay in lugta ku waayay dhaawac ka soo gaaray dagaal ay Axmaarta kula galeen kagana saarayeen Goldogob oo markaas u gacangashay Itoobiya. Ma sii waarin Sheekh Ibraahim oo cilmi iyo aqliba u saaxiib ahaa oo jirdil lagu xumeynayo walaalkii Qalbidhagax oo madaxda ONLF ka mid ahaa ayuu u dhintay.

Axmed oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri, “Sanad ayaa iigu dhamaaday markii aniga iyo 14 kale oo midi gabar tahay laga soo qaaday Jeel Ogaadeen. Waxaa naloo sheegay in nala sii deynayo afar bilood ka dib, is la markaasna abaalmarin 17,000 oo lacagta Itoobiya ah nala siinayo haddii aan si wanaagsan u barano dastuurka Itoobiya. 4-tii bilood ayaa dhammaatay, waxaa markaas noo yimid Cabdi Iley oo noo sheegay in ay lacagtii nala siin lahaa, “ku baxday ciidanka dalka ee Liyuu Police-ka; haseyeeshe, kaliya waxa aan diyaar idiin la ahay in aan xoriyaddiinii dib idiinsiiyo.”

“Cabdi Iley waxa uu amar ku bixiyay in magacda iyo gobalka uu ka soo jeedo mid kasta oo naga mid ah in laga qoro, ka hor inta aan nala siideyn.”

Axmed waxaa lagu amray in uu maalintii Alle keenaba iska soo duuwaangaliyo xafiiska Koomishineerka Booliska oo markaas madax ka ahaa Yuusuf Jallaale.

Saddex maalmood markii uu iska caadiriyay Booliska Axmed, waxa uu qaatay go’aan dadkiisa oo dhan loo soo xirxiray mid ka mid ah eheladiisiina loo dilo. Baxsadkii Axmed waxa uu ku yimid dalka Yeman, haseyeeshe, xusuustii jeel Ogaadeen waa mid marwalba sida harkiisa u la socota.

Qalinkii: Qoraa Sare Ahmed Abdi.

Faafin Raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *