(Dhagayso) Wada Hadal Lagu Doonayo In Lagu Sii Daayo Qalbi-Dhagax Oo Bilowday

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Ururka ONLF, ayaa mar kale dalbaday in Xoriyadiisa dib loo siiyo Cabdi Kariin Qalbi-dhagax oo dhowaan dawlada Soomaaliya ay u dhiibtay dawlada Itoobiya.

Af-hayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan HIRMOOGE, ayaa sheegay in sii deynta Qalbi-Dhagax ay Itoobiya ku xirtay Shuruudo ay ka mid yihiin inuu ka laabto Qadiyadiisa Siyaasadeed.

Wuxuu sheegay inay bilowdeen waan waan lagu sii deynayo, isla markaana ay Kenya dhexdhexaad ka tahay waanwaanta kabada dhinac u socota.

<

Cabdulqaadir Xasan HIRMOOGE, ayaa sheegay in dhalinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiyada Itoobiya dib loo siiyay Xoriyadooda.

Si kastaba ha ahate, dhowaan waxaa wada hadalo ay u socdaan Jabhada ONLF iyo dawlada Itoobiya, taasi oo ku saabsan arrinta Qalbi-Dhagax.

Hoos Ka Dhagayso Waraysiga;-

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *