Duqii Hore Ee Boosaaso Oo Xildhibaanadii La Shaqaynayay Ku Tilmaamay Hororo Lacag Doon ah

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Duqii hore ee degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud, ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Boosaaso markasta lagu soo xulo Waddo aan wannaagsanayn, waxaana uu xusay in Boosaaso ay u baahan tahay Xildhibaano matali kara.

Yaasiin Mire Maxamuud, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay Xildhibaanada markasta loso xulo magaalada Boosaaso, waxaana uu sheegay in markasta Xildhibaanadu ay soo qortaan Warqado ay lacago ku dalbanayaan.

Hadalkan ayuu ka sheegay xilli uu ka hadlayay Munaabadii uu xilka ku wareejinayay oo dhacday maalintii shalay.

<

Duqii hore ee Boosaaso ayaa sheegay inuu isbadal ku sameeyay dawlada hoose, Nidaamka magaalada iyo hormarka guud, uuna u yimi meel Ban-Ka-Ood.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas uu kala diray Golaha deegaanka Boosaaso iyo duqii magaalada, waxaana la magacaabay Duq KMG ah.

Hoos Ka Dhagayso Khudbada;

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *