Halkee Ku Dambeeyay Gadoodkii Ciidan Ee Ka Dhacay Magaalada Qardho?

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Madaxda ugu saraysa gobolka Karkaar, maamulka degmada Qardho iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa xaliyay gadoodkii ay magaalada Qardho ka sameeyen Ciidamada Puntland.

Warbaahinta Raxanreeb, ayaa ogaatay in xal laga gaaray Xiisada ay sameeyen Ciidanku, isla markaana lagu qanciyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo siin doono Mushaharkooda.

Ciidanka ayaa waxaa balan qaadka u sameeyay Mas’uuliyiinta la kulmay, waxaana loo qabtay 48-saac ee soo socda inay ku heli doonaan Mushaharkooda, waxaana laga dalbaday inaysan dib dambe u samayn wax gadood ah.

<

Ciidanka sameeyay gadoodka ayaa ku qancay balan qaadka Mas’uuliyiinta la kulmay, waxaana ay u sheegen inay doonayeen oo kaliya Xuquuqda ay lahaayen, balse aysan u socon inay dhibaato geystaan.

Waxaa Madaxda la kulmay ay ka dalbadeen inay kaso baxaan balan qaadkooda, ayna u fuliyaa sida ay u sameeyen.

Ciidanka ayaa saacadihii ugu dambeeyay dib ugu noqday Xerooyinkoodii, waxaana aad looga hadal hayay falkaan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Waa markii ugu horeeyay oo gadood Ciidan uu ka dhaco magaalada Qardho mudadii ay jirtay Xukuumadda Madaxweyne Gaas.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *