Madaxweyne Gaas Muxuu Ka Yiri Waqti Kororsiga Uu Doonayay Inuu Sameeyo?

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo Wareysi siinayey  BBC-da laanteeda Afka-Soomaaliga ayaa beeniyay in uu doonayo in uu ku darsado muddada xil-haynta ah.

Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa sheegay in maalmahan uu maqlayey Madaxweynaha hal sanuu ku darsanayaa, labo sano ayuu ku darsanayaa, aniga awoodaas maba lihi, haddii qofka la siinayo in uu isaga darsanayo waa wax la yaab leh,

…Waxaa rabaa in aan dadka u sheego, doorasha Puntland si mug leh ayey waqtigeeda ku dhacaysaa, 8-da Janaayo, 2019-ka, sidii ay u dhici jirtay si ka fiican ayey u dhacaysaa ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas

Madaxweynaha Puntland ayaa intaasi ku daray in uu caddeyn doono waxyaabaha uu isaga shaqsi ahaan damacsan yahay marka la gaaro xiliga doorashada,

<

Xukuumadda Puntland ayaa dhawaan lagu eedeeyey in aysan ku jirin wax qorshe iyo talo ah oo ku saabsan in doorashada la qabto xiligii loogu tala galay.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *