Maxaa Kala Qabsaday Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Iyo Warbaahinta Qardho?

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |
Guddoomayaha Gobolka karkaar Cabdullaahi Maxamed Caato oo Saxaafada gobolka karkaar ugu caga jugleeyay xarig iyo jirdil kadib marki ay kulan la qaateen gudoomiyaasha gobolada Madaxwayne Gaas.

Guddoomiyaha gobolka karkaar oo saaka oo taariikhduntahay Arbaco 7 bisha Maarso kulan isugu yeeray Wariyaasha ka howlgala gobolka karkaar, gaar ahaan magaalada Qardho wuxuu ugu caga jugleeyay xarig iyo jirdil hadaysan u hogaansamin maamulkiisa iyo kan dowlada.

Caato ayaa sidoo kale wariyaasha qaar ugu hanjabay inuu ka joojinayo shaqada ay ka hayaan gobolka kadib markii ay so daabaceen warbixin la xiriirta ciidamo gudood sameeyay oo dhawaan la wareegay xarunta wasaarada maaliyada iyo bankiga dhexe waa sida uu sheegay gudoomiyaha.

<

Kulankan maanta oo ay goobjoog ahaayeen dhamaan wariyaasha iyo qaar kamid isuduwayaasha wasaaradaha gobolka karkaar ayaa inta badan wuxuu ku saabsanaa hanjabaad iyo cagajuglayn la xiriirta dil, xarig iyo arimo kale.

Qaar kamid ah Wariyaasha oo guddoomiyaha u sheegay in Saxaafadda ay xor tahay islamarkaana xaqiiqda marna la qarin karin ayaa gudomiyuhu wuxuu ugu dhaartay in indhaha ay xaqiiqda ku arkaan ay waayi doonaa.

Hanjabaada isug jirta dilka iyo caga juglaynta kasoo yeertay gudoomiyaha gobolka karkaar ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan madaxwayne Gaas uu kulan la qaatay gudoomiyaasha gobolada iyadoo aan la ogayan wixi ay ka wada hadleen ayaa hadana dadka qaar waxa ay aaminsanyihiin in looga hadlay xaalada kala guurka iyo sidii loo xakamayn lahaa mucaarado walba oo dowlada soo wajihi karta.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *