Reer Gaalkacyo Oo Ilmaynaya Ayaa Diyaarad Saaray Iman Abdirahman Mohamed Oo Cudurka Kansarku Uu Ku Dhacay

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Iman Abdirahman Mohamed oo muddo la xanuunsan cududrka Kansarka (Canser) ayaa galabta diyaarad laga saaray magaalada Gaalkacyo, waxaana loo qaaday magaalada Muqdisho, caasimada dalka Soomaaliya.

Iman Abdirahman Mohamed ayaa caafimaadkeeda dalka waxba looga qaban karin, waxaana hadda la sii gaynayaa Isbitaalka Erdogan ee horey loo oran jiray Digfeer, inta looga helayo dhaqaale iyo dalka ku gal (Viso) Turkiga.

Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaan codsanaynaa iney caawiyaan Iman Abdirahman Mohamed, waxaana dhaqso uga dhamaanaya dhiiggeeda oo B+ ah, kala xariiray taleefoonka nambarkiisu yahay +252907680469.

Eebe ayaa mahad leh, waxaan halkaan uga mahadcelinayaa dadka dalka iyo dibadiisa soo taageeray Iman Abdirahman Mohamed, waxaana sidoo kale u mahadcelinayaa shacabka Gaalkacyo oo naf iyo maalba u horay.

Iman Abdirahman Mohamed dhiig iyo dhaqaale wali way u baahan tahay, fadlan kala xiriira, +252907680469.

Inagoo ilmaynayna ayaan diyaarad saarnay Iman Abdirahman Mohamed oo xanuun la taahaysa, waxaana Eebe wayne uga baryaynaa caafimaad deg deg.

Eebe wayne waxaan uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Wariye Siciid Nadaara.

<

www .raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *