Saadiq Eenow:”DPWorld Waa Gantaal Hordhac U ah Maslaxada Imaraadka”

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno |

Sida aanu soo xusnay shirkadda DP-World oo ah mid ay dowladda Imaraatku leedahay waxay noqotay gantaal hor-dhac u ah dhowrista maslaxadda Imaraatka. Dhaqdhaqaaqa ay ka waddo badda dalka Yaman wuxuu waxyoonayaa in uu yahay mod lagu qaboojinaya shan arimood oo ay Imaraaaku ka cabsi qabaan. Haddaanu qodobeyno shantaas arin, qodobka I-aad wuxuu yahay in ay soo af-jarto kacdoonkii ka dhashay gugii carabta qaybtiisii Yaman. Qodobla II-aad wuxuu yahay in ay la dagaalanto dhaqdhaqaaqa la yiraahdo Al-Islaax ee xambaarsan fikradda diiniga ah. Qodobka III-aad wuxuu yahay in ay fashiliso sharciyadda dowladda Yaman oo uu madax-waynaha ka yahay Cabdi-Rabbu Haadi Mansuur. Qodobka IV-aad wuxuu yahay in ay fashiliso dagaalka xulufada carabta oo ay iyadu qaybta ka tahay. Afartaas qodob waxay ugu adeegeysaa qodobka V-aad, kaas oo ah in ay ka hor-tagto dhibaatada mustaqbalka ku soo wajahan dekadda Jabal-Cali. Waxay dooneysaa in dekaddan ay ahaato lambarka koowaad. Si ay arinkaas uga dhabayso, waxay ku shaqeeneysaa aragtida ah, kharashka ku baxaya bur-burinta dekadaha wuxuu wax-badan ka yar-yahay kharajka ku buxaya dhismahooda.

Damacii Imaraatku wuxuu gaaray dekadaha waddmada dhaca waqooyiga badda Cas, kuwaas oo kala ah Suudaan iyo Masar. Tallaabadii ugu horeysey oo shirkadda DP-World ay u qaaddo dhanka Suudaan waxay dhacday sanadkii 2008-dii, markaas oo wafdi sare oo shirkadda ka socda ay booqdeen Suudaan. Wafdigaan oo isugu jiray maamulayaashii sare ee shirkadda iyo rag la-taliyayaal ah, ayaa waxay gaareen dekadda Buur-Suudaan (Port Sudan). Ujeedkoodu wuxuu ahaa in ay sahmiyaan dekadda iyo in ay aragti ka qaataan qaabkii ay isugu diyaarin lahaayeen la wareeggeeda. Natiijo mira-dhal leh lagama dhaxlin socdaalkaas. Sanadkii 2013-kii, hay´adda dekadaha ee Suudaan ayaa shirkadda DP-World waxay u bandhigtay in ay la wareegto maamulka dekadda Buur-Suudaan qaybteeda konteynarada. Laakiin shirkaddii waa ay ka cudur-daaratay arinkii. Sanadkii 2016-kii ayay DP-World ku soo laabatay Suudaan, iyada oo markaan soo dirtay shirkadda (P & O) oo ah shirkad hoos-timaadda DP-World. Waxay dalbadeen in ay qabtaan maamulka iyo maareynta shaqada dekadda Buur-Suudaan. Dekaddan waxay ku taal magaalada ay la-magaca tahay ee ku dhacda meel magaalo-madaxda (Khartuum) waqooyi-bari ka xigta. Waxay isu jiraan masaafo gaarsiisan 680 km. Waa dekadda ugu wayn dalka Suudaan. Sanadkii waxaa soo mara 300 oo maraakiib ah. Bishii 40,000 oo konteynar ayay xawishaa.

Hey´adda dekadaha ee Suudaan oo horey ugu wareejisey dekadda Port Sudan, ayaa DP-World u soo ban-dhigtay in ay la qaybsato maamulka iyo maareynta dekadda shirkad Filibiin ah oo horey loogu wareejiyay. Shirkaddan Filibiinka ah waxay kamid tahay kuwa ugu wayn dunida oo la howl-gala lixda qaaradood.

<

Shirkadda reer Imaraat waa ay diideen arintii loo soo bandhigay. Waxay codsadeen in dekadda dhamaanteed lagu soo wareejiyo iyada oo ay ka maran-tahay shirkadda Filibiin. Waxay intaas raaciyeen in la fanisho dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya dekadda, kuwaas oo tiradoodu ay kor u dhaafeysey 3,000 oo qof.

Muddada ay codsadeen in lagula heshiiyo ayaa iyaduna waxay ahayd 50 sano. In-kasta oo dowladda Suudaan ay diidey codsigii, misana Imaraatku kama ayan quusan damacii ka hayay dekadda Buur-Suudaan. Markay taariikhdu ahayd 17/ 9- 2017-kii waxaa dekadda soo booqday wafdi ka socdey shirkadda DP-World. Shaqaalihii dekadda oo caraysan ayaa ku bannaan-baxay wafdigii. Taasina waxay ka danbaysay, khabarkii ahaa in la fanisho shaqaalaha ayaa dadku maqleen.

Wafdigii waa laga soo saaray dekaddii oo dib ayay dalkoodii ugu laabteen. Waxaa halkaas ku soo af-jarmay damacii Imaraatka ka hayay dekadda Buur-Suudaan. 15/ 11- 2017-kii. Wasiirka gaadiidka ee Suudaan Makaawi Cawad wuxuu sheegey in Qatar ay ka dhiseyso Suudaan dekadda ugu wayn badda Cas. Arintaasi waxay xoojisey hantida uu dalka Qatar ku maal-gashanayo dalka Suudaan. Hantidaas oo gaareysa 3,8 bilyan oo doollar ayaa xooggeedu waxay aadeysaa dekaddan oo noqonaysa dekadda ugu wayn ee ka dhisan badda Cas. Heshiiskaas wuxuu dhacay xilli saddexda dowladood ee xulufada ah (Sacuudiga, Imaraat iyo Masar) ay cunaqabatayn ku hayaan dalka Qatar.

Heshiiskaas ayaa wuxuu yimid xilli uu degaanku marayo xaalad siyaasadeed ee qallafsan. Sidaa darteed heshiisku wuxuu noqday dharbaaxo ku dhacday mashruucii cuna-qabataynta ee Qatar saarneyd. Isla-markaas wuxuu u muuqdaa in uu hor-dhac u noqonayo mashruucii waynaa ee ahaa waddada xariirta ee cusub, kaas oo Shiinaha ay doonayeen in ay ka xiriirshaan ganacsiga dunida.

Dowladda Qatar markii ay ku qancisey Suudaan in ay la wareegto dekadda Buur-Suudaan, waxay noqotay mid dhagax qura ku disha saddex shimbirood. Waxay halkaask u jebisey hankii dowladda Imaraatka iyo damacii xoogganaa oo shikadda DP-World ay ku dooneysey in ay ku gacan-sareyso badda Cas. Waxaa kale oo ay hoos u dhigtey dakhligii dowladda Masar ay ka heleysey dekadda degmada Suweys. Isla-mashruucan dekadda Buur-Suudaan wuxuu jebiyay hankii Sacuudigu ka lahaa qorshaha uu ku magacaabay aragtida 2030. Qorshahan oo ah mid dhaqaale, ayaa waxaa kamid ah in dowladda Sacuudiga ay horey u-mariso, isla-markaa ay dhisto dekadeheeda ku dhaca badda Cas.

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *