Daawo: Imaaraadka Carabta Oo Weerar Dacaayad Ah Internetka Uga Qaaday Madaxweyne Farmaajo

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno |

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxay bilowday dagaal dayaacad ah oo ay ku dhaleeceynayso Madaxweynaha DFS Maxamed C/laahi Farmaajo, kaasoo ay ka bilowday Baraha Bulshaddu ay adeegsadaan gaar ahaan Twitterka.

Dagaalkan ayaa la xaqiijiyey in dowladda Imaaraadku u adeegsaneyso kooxo aqon durugsan u leh isticmaalka Internetka iyo sida dacaayadaha loo fidiyo, waxaana ay isticmaalayaan sawiro ay muuqdaan duruufo nololeed oo badankood la qaaday xiliyadii abaarahu ay wadanka Soomaaliya ka jireen.

Halkudhigyada la soo raaciyey sawiradan ayaa waxaa loo adeegsaday erayo sumcad dil ku ah Madaxweynaha DFS, waxayna ku sheegeen inuu Soomaaliya ka dhaliyey macaluul iyo fakhri aysan dowladda Qadar waxba ka qabin Karin, waxayna ku tilmaameen inuu Farmaajo yahay daalim.

Qormooyinkan ayaa loo adeegsaday luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga, waxaana la sheegay in kooxaha faafinaya fidnadaan ay u badan yihiin Hayaddaha Sirdoonka ee dalka Imaaraadka Carabta.

Dagaalkan ay Imaaraadka Carabtu ka soo qaadeen goobaha Baraha Bulshada ee Internetka wax la isugu gudbiyo ayaa bilowday wixii ka danbeeyey heshiiskii dekedda Berbera ee shirkadda DP World kula gashay dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland, kaasoo dowladda soomaaliya si adag uga timid.

Haddaladan xanafta leh ee Imaaraadka Carabtu ay faafiyeen ayaa durba waxaa si weyn uga horyimid shacabka Soomaaliyeed, waxaana muuqata inuu yahay dagaal caal waa oo oo dowladda Imaaraadka Carabtu si tag darran ugu soo qaaday dowladda iyo dadka Soomaaliya oo xiligan ka soo kabanaya burbur iyo maamul xumo.

DAAWO SAWIRO.

<

   

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *