Warbixin Xasaasi Ah: Imaaraatku Miyuusan Ogayn In Soomaaliya Ay Tahay Gob Liicday

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno |

Dowladdahii isaga kala danbeeyey Soomaaliya 1964tii iyo 1970kii ayaa waxay mucaawino biniaadanimo siin jireen dowladdo ka tirsan dunidda Carabta oo wakhtiyadaas ay ka jirtay gaajo iyo xaalado nololeed oo qalafsan.

Dowladdahan ayaa waxaa ka mid ahaa dalalka Imaaraadka Carabta, Yeman iyo Ciraaq, waxaana jiray lacago qaaraan ah oo dadweynaha Soomaaliya ay u qaaraami jireen shucuubaha dalalkaas, sida ka muuqata warqadan:-

Dalka Soomaaliya ayaa wixii ka horeeyey burburkii dowladii dhexe 1991dii, wuxuu ahaa dal si weyn uga dhex muuqday siyaasadda Caalamka, isla markaasna kaalin mug leh ka geystay xornimo gaarsiinta waddamo badan oo Afrika ka mid ah, oo xiligaas ku jiray gacanta Gumeysigii reer Galbeedka.

Munaasibadaha Caalamiga ah ee Madaxda Caalamku ku kulmaan ayaa Madaxda Soomaalida ay ka muuqan jireen safka ugu horeeya, iyadoo wakhtigaas dalalka Jaamacadda Carabta ay istaagi jireen safka danbe, bal dheeho sawirkan:

Warbaahinta Carabta ayaa ka markhaati kacaysay mucaawinadda ay dowladda Soomaaliya gaarsiiso waddamada Carabta, Wargeysyada ayaa ka mid ah kuwa weli gacanta lagu hayo oo aysan lumin qoraaladii ku qornaa:

<

Xiriirka Soomaaliya iyo Dowladdaha Carabta ayaa ahaa mid aad u wanaagsan, waxaana Madaxda Soomaalidu kala kulmi jireen ixtiraam iyo qadarin xiliyada ay booqdaan wadamadooda:

Caasimadda waddanka Soomaaliya, waxay aheyd mid ka horumarsan caasimaddaha waddamada Khaliijka, waxaana la helay sawiro barbardhig laga sameeyey sanadkii 1950kii magaalooyinka Muqdisho iyo Dubai:

Dowladihii isaga kala danbeeyey Soomaaliya marna kuma farxin dhibaatooyinkii nololeed ee ka jiray waddamada Carabta, balse waxay ahaayeen kuwa ka xanuunsaday gargaarna aadanimada ugu gurmaday, marka loo eego sanadihii faraha badnaa ee soomaaliya ay ku jirtay burburka iyo dagaaladda sokeeye ay Carabtu indhaha ka daawanayeen silica iyo saxariirtii ay Soomaaliya soo martay.

Dhinaca kalena qaar ka mid dowladdaha Khaliijka Carabta oo ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa xiligan oo Soomaaliya si wanaagsan uga soo kabaneyso xanuunkii burburka ay salka ka dhigi la’dahay hanaan dowladeed oo wanaagsaan oo Soomaaliya ka dhashay.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *