Wasiir Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Qarax Lagu Dilay

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno |

Wasiiru dowlihii Amniga Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa in lagu dilay qarax miino, xilli kolonyo uu la socday ay ka soo amba baxeen Garoonka Balli-doogle,

Wasiiru dowlaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Cali Baraf

Sidoo kale qarax miinada ayaa la sheegayaa in uu ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle, kaasi oo lagu magacaabi jiray Axmad Cabdi Faarax oo ku magac dheeraa Kabo weyne .

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday ilaalada la socotay ee galbineysay kolonyada Wasiiru dowlaha iyo Mas’uuliyiinta kale oo ku sii jeeday Magaalada Afgooye.

<

Geerida labada Mas’uul ayaa waxaa xaqiijiyey Madax ka tirsan Maamulka Koofur-Galbeed-Soomaaliya.

Tirada dhimashada ee Qaraxa miino ayaa lagu sheegay illaa shan qof oo ay ku jiraan Wasiiru dowlaha, Xildhibaanka ka tirsanaa Hir–Shabeelle, saddex askari iyo derawal.

Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Koofur-Galbeed Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Cali ayaa ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo safar ku tegay garoonka Bali-doogle ee degmada Wanla-weyn, balse Wasiiru Dowlaha iyo xubno kale ayaa safar dhulka ah ku soo aaday dhanka Afgooye, inta ay wadada ku soo jireen ayaa la qarax Miino lala eegtay.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *