Xagee Ku Danbeeyeen Shabaabkii Ka Baxsaday Xabsiga Garoowe?

Filed under: Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

27dii  bishii hore ee Feberaayo ayaa xabsi guri ku yaal magaaladda Garoowe waxaa ka baxsaday maxaabiis la sheegay inay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab oo lagu soo qabtay dagaalo horay ciidamadda Puntland ugu dhex maray dhul xeebeedka Suuj iyo Garmaal.

Dhalinyaradan oo xiligaas ahaa kuwo aan qaangaarin ayaa baxsaday iyagoo badannkood ay ka weyn yihiin 18 sanadood, waxaana gacanta ku hayey urur waddani ah, isla markaasna ay Hayadda UNICEF bixineysay dhaqaalaha ku baxayey daryeelkooda.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadal baxsadka maxaabiistaas iyadoo aan la shaacin cid loo ciqaabay falkaas, sidoo kale Hayaddii gacanta ku haysay Maxaabiistan ayaan wax war ah weli ka soo saarin sida wax u dhaceen.

<

Waxaa jiray warar la isla dhex marayey oo sheegaya in uu jiray suuq madow oo lagu kala iibsaday Maxaabiistan ka tirsanaa ururka Al-shabaab kaasoo u dhexeeyey shakhsiyaad dilaaliin ah.

Waxaa kaloo maamulka Puntland lagu dhaliilay in gacan ku haynta maxaabiis ka tirsan Ururka Al-shabaab loo gacan geliyey dad shacab ah oo aan qaadi karin masuuliyadda amniga maxaabiis caynkan oo kale ah.

Waxaa jira walaac weyn oo laga qabo in hayaddaha QM ee ka hawl gala Puntland ay weji gabax kala kulmi karaan fashilka ku yimid Maxaabiis ay daryeelkooda iyo dhaqan celintooda ka qayb ahaayeen oo aan weli Puntlnd caddeyn halka ay ku danbeeyeen.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *