XOG: Muxuu Noqon Karaa Mowqifka Puntland ee Go’aankii Barlamaanka Federaalka?

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Guddiga maamulka Puntland u saaray 20 march 2018, inay ka soo taliyaan go’aanka dowladda Puntland ka qaadanayso, shirkadda DP World oo labada gole ee barlamaanka federaalku dalka ka mamnuuceen maxaa laga fili karaa?

Waa cadahay in Puntland ay doonayso dhinacyada is haya oo dhan inay wada raalli geliso, waxaase meesha yaal, gari laba nin kama wada qosliso.

Lugta jecli, lega jecli waxba kama duwana arrinta Puntland. Sababtoo ah waxay heshiis la gashay P & O ports oo DP World hoos tagta, Barlamaanka Federaalkuna wuxuu u aqoonsaday heshiiskaas waxba kama jiraan.

<

Puntlandna waxay ka mid tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo weliba si gaar ah xaq loogu leeyahay inay taageerto mowqifkeeda, mar haddii shacabka Puntland, gaar ahaan iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay taageersan yihiin go’aanka Barlamaanka federaalka.

Go’aanka ay soo saaraysana dowladda Puntlandna waxba kama duwana, Gorayadii ciidda madaxa ku qarsatay inteedii kalena muuqdaan.

Madaxda maamulka Puntland waxaan kula talinaynaa oo ku taageersanahay inay shacabkeeda iyo shacab weynaha Soomaaliyeed la mowqif noqoto.

Waxaa kale oo waajib ku ah inay mowqif cad iska taagto kuwa doonaya inay burburiyaan barlamaankii iyo dowladdii somaliyeed oo shacabku doortay 8 February 2017.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *