Bannaanbax Looga Soo Horjeedo Xariga Boqor Buurmadow Oo Soomaaliland Ka Dhacay

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Mudaharaadyo xoog weyn oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad tiro badan ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhaceen deegaamadda Gar-adag iyo Ceel Af-weyn ee Soomaaliland.

Dadka isugu soo baxay banaanbaxan ayaa badankood waxay ka soo jeedaan beesha uu hogaamiye dhaqameedka u yahay Boqor Buur-Madow, waxayna taayiro ku gubeen dariiqyada magaalooyinkaas.

Ciidamadda Booliska Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay dadweynaha ku baacsanayaan jidadka iyagoo ku ridaya rasaas nool.

<

Lama soo sheegin ilaa iminka khasaare ka dhashay dibad-baxyadaas wata rabshadaha ee ka socda deegaamo ka tirsan Somaliland.

Dibad-baxyadan ayaa waxay ka dhasheen kadib markii habeen hore ay Maamulka Soomaaliland ay xabsiga u taxaabeen Boqor Buur Madow oo ka soo qayb galay Caleema Saarka Beeldaaje Maxamed Ismaaciil, isla markaasna uu ku baaqay in Somaliland iyo Puntland ay ku wada noolaadaan nabadgelyo, ciidamadda isku horfadhiya jiida Tukaraqna la kala qaado.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *