Daawo: Cabdi Raxmaan Cirro Muxuu Ka Yiri Kaligii Talisnimada Muuse Biixi Cabdi?

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

War Saxaafadeed uu magaaladda Hargeysa ku qabtay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed Cabdulaahi Cirro ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ku wajahan xukuumadda Muuse Biixi.

Kulmiye hees ayuu qaadayaa aniguna waa maqlayaa (Daneyso adoo lahaa marbaad Dacar qooshataa).

Guddoomiye Cirro ayaa wuxuu ku eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliland in xukunkiisu uu horseeday inuu caburiyo xoriyadda shacabka isla amrkaasna uu xabsiga u taxaabay dad badan oo ka hadlay fikirkooda oo ay ku soo bandhigeen qaybaha bulshadda.

Cawaro laa faaleynayey iyo camaladeeddii tani waa car juuq ii dheh iyo jeelka ku cayuuq” c/raxmaan Cirro ayaa gabaygan oo uu tiriyey AUN Aadan Carab halbeeg wuxuu uga dhigay xariga aan sharciga aheyn ee dadka reer Puntland loo geysanayo.

C/raxmaan Cirro wuxuu sidoo kale hadlay heshiiska dekedda Berbera oo uu sheegay in dowladda Muuse Biixi ay shacabkeeda been u sheegtay markii ay yiraahdeen anagaa heshiiska la saxiixanay dowladda Imaaraadka Carabta, balse taas la ogaaday markii uu Idaacadda BBC laanta Afka Carabiga uu waraysi siiyey Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda dalka Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Gargaash.

<

Ugu danbeyntii Guddoomiye Cirro ayaa Madaxweynaha Soomaaliland wuxuu ugu baaqay inuu is casilo “Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu qayb ka ahaa shirqoolka iyo dhagarta uu Kulmiye u maleegay shacabka Soomaaliland, marka hore xogogaal ayuu ka ahaa khiyaamada qaran ee Madaxweyne Siilaanyo u geystay dalkiisa iyo dadkiisa, wuxuu ku kacay khiyaamo qaran, waxaa u banaan Madaxweynaha Laba midkood inuu yeelo 1. Inuu is casilo, dadkana saamaxaad weydiisto, kuna dhawaaqo in doorashooyin Madaxweyne oo cusub 1. Waxaa u banaan hadduu taa yeeli waayo in lagu qaado khiyaamo qaran oo lagu sameeyo maamuus ka xayuubin” Ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Wuxuu kaloo ku baaqay in Madaxweynihii hore ee soomaaliland la horkeeno Maxkamad laguna qaado khiyaamo qaran.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka;

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *