DAAWO: Sucuudiga Oo Qaaday Wadada Daawashadda Fanka Iyo Filimada Iyo Culumada Soomaaliya Oo Dhufeys Ka Galay

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Culimadda Soomaaliyda ayaa si weyn waxay uga horyimaadeen fanaaniinta Soomaalida ee heesaha la soo doonta waddanka gudihiisa, waxayna ku tilmaameen arrintaas mid ay kaga hortegayaan fusqi iyo halis ku wajahan Diinta iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaasana fidinayaan fisqi iyo fuxshi.

Arrintan ayaa waxaa ay ka dhalatay kadib markii gabar fanaanad ah oo lagu magacaabo Kiin Jaamac ay booqasho ku tagtay magaaladda Muqdisho si ay halkaas uga qaado heesaheeda ama ku soo bandhigto bandhig faneed.

Dhinaca kale dowladda Sacuudi Carabiya oo ah halka ay ka soo burqatay Diinta Islaamka ayaa sanado fara badan ku adkeyd ilaalinta arrimaha Diinta Islaamka, waxaana waddankaasi caan ku ahaa in ay ka dhacaan arrimaha sahli kara in bulshadda Islaamka ahi fasahaado.

Wararka xiliyadii ugu danbeeyey laga helayo Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya in dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Salmaan uu sameynayo isbedelo uu waddanka Sacuudiga ka curin doono.

Arrimaha uu Boqorkani ogolaaday ayaa waxaa ka mid ah

  1. in la daawan karo filimada isla markaasna dib loo furo shiloomooyinkii hore kuwo cusubna la dhiso
  2. In dumarku kaxayn karaan gaadiidka
  3. In dhaliyaradda rag iyo dumarba ay ku kulmi karaan goobaha la isugu tago.
  4. In Telefishinada loo fasaxo inay sii dayaan heesaha iyo filimaanta reer Galbeedka iwm.

28 April ayaa waddanka Sacuudiga waxaa lagu qaban doonaa ciyaarta loo yaqaan Musaaracdda iyadoo ay waddankaas tegi doonaan nimanka caanka ku ah ciyaartan oo sida weyn ay u daawadaan dumarka iyo caruurtu.

Masraxa lagu daawan doono ciyaartan ayaa waxaa lagu kharash gareeyey Boqolaal Milyan oo Doolar iyadoo ay dadweynuhuna ku daawan doonaan lacag aad u fara badan.

Dowladda Faransiiska ayaa Boqortooyadda Sacuudi Carabiya waxay u ballan qaaday inay u dhisayso goob aad u weyn oo lagu qabto fanka (Shineemo weyn).

<

Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo wiilka sugaya dhaxalka dalkaasi uu ku sugan yahay dalka Faransiiska, waxayna tan muujineysaa sida uu ugu firfircoon yahay in uu dalkiisa u furfuro dhaqamada iyo fanka.

Waxaa la filayaa in uu Faransiiska la saxiixdo heshiis ay waqooyiga Sacuudiga kaga sameynayso madxaf dusha ka furan.

Deegaankaas wuxuu ku yaallaa magaalada Mada’in Saleh oo ah magaalo ka sameysan dhagax xardhan oo ay dhiseen dadkii la oran jiray Nabataiins oo hore u dhisay magaalada Petra oo ah goobta keliya ee ururka UNESCO uu diiwaan geliyay ee ku taalla Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa bishii February sheegay in adduun dhan $64bn (£45bn) ii ku maalgelin doono horumarinta fanka iyo madaddaalada 10ka sano ee soo socda.

Isbedelada ka imaanaya waddanka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa Muslimiinta ku nool daafaha dunidda waxay ka muujiyeen walaac, waxaana bilowday eedeymo ay durba bulshaddu Muslimku ku dhaliilayaan Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Waddanka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ku yaal Xarunta Barakeysan ee Xajka iyo Masjidkii Nabi Maxamed (NNKH), waana waddan ay cibaado tagaan Muslimiinta Caalamka ku nooli, waxaana uu waddankaasi xushmad fara badan ka haystaa caalamka Muslimka oo u arka in Sacuudi Carabiya ay tahay halkii ay ka soo bilaabatay Diinta Islaamka, aysana suurta gal aheyn in xiligan laga bilaabo arrimaha horseedi kara fasahaadka bulshadda Muslimka.

Halkan ka daawo Culimadda Soomaalida oo ka hortimid Bandhig Faneed;

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *