DAAWO: Xassan Cali Khayre Saami Wadaag Miyuu Ka Yahay Haamaha Shidaalka Berbera?

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

War ay shaaciyeen Guddiga Dabagalka Hantida Qaranka ee Baarlamaanka Soomaaliland ayay ku sheegeen inay baaritaan ku sameeyeen haamaha shidaalka ee magaaladda Berbera, waxayna sheegeen inay soo ogaadeen in Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka mid yahay shirkaddaha saamileyda ee haamaha Berbera.

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali shire oo saxaafadda la hadlay ayaa carabka wuxuu ku dhuftay in Raysal Wasaare Kheyre uu saami ku leeyahay shirkaddaha ku midoobay kaydka haamaha shidaalka ee magaaladda Berbera, taasoo uu ku tilmaamay mid dhabarjab ku ah qaranimadda Somaliland.

<

Eedeymahan ayaa ah kuwo hadal oo keliya ku kooban laakiin weli Guddigani ma soo bandhigan dukuminti muujinaya arrinta ah in Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu saami ku leeyahay haamaha shidaalka ee magaaladda Berbera.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka;

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *