DAAWO: Madaxweyne Gaas Muxuu Ka Yiri Go’aanka Imaaraatka Carabta?

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inaysan jirin cid u dhaanta dawlada Imaaraatka, xilli Imaaraatku ay hakad galiyeen taageeradii ay siin jireen Puntland, ayna la baxeen Saraakiishooda.

Hadalkan ayuu ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xerada Ciidanka badda Puntland, ka dib markii uu booqasho ku tagay.

”…..Waxaan idiin sheegaya in aan dowladda Imaraadka ka codsanay in ay sii wadaan tageeradda iyo tababaridda ciidankeena badda iyadoo lasii xoojinayo gacan siinta mashruuca,waxaad lasocotaan in dowladda imaraadku Puntland ka wadaan mashariic dhaqaale badan galayo,majirto cid noo badelaysa booska ay noo jogaan imaraadku,mana jirto cid noola siman” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay in wararka sheegaya in dowladda imaraadku ka guurtay Puntland ayna kala baxday sarakiil tababar u joogay xeradda Qow ee ciidanka badda Puntland.

Wuxuu intaas ku daray”…..Waxaa rabaa arrimo maalmo dhoweyd baraha bulshada ka socotay oo ahaa kuwo been abuur ah, ciidamo baxay iyo diyaarad laga celiyay ma jirto, warkaasna sax ma ahan”.

<

Waxaa jira shirar hoose oo u socda Puntland iyo Imaaraatka Carabta, kuwaas oo looga wada hadlayo sidii xal looga gaari lahaa go’aanka Imaaraatka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay howshii tababarka ciidamada iyo taageerada ay siin jireen, kaddib markii uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, waxaana Imaaraadka cambaareysay dhacdadii 8-dii bishan ka dhacday garoonka Muqdisho, halkaasoo diyaarad laga lahaa Imaaraadka Carabta lagu xanibay iyo lacago mallaayiin doollar oo ay ciidamada ammaanka ku qabteen, lacagtaasoo ay sheegeen Imaaraadka Carabta in loogu tala galay mushaar siinta Ciidamada ay tababareen.

 www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *