DEG DEG: Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Ka Badiyay Xulka Kenya

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Kubada Cagta Dalkeena Soomaaliya ee da’doodu ka hooseysa 17-jirada ayaa waxay guul muhiim ah ay ka gareen xulka qaranka kubada cagta Kenya tartanka Cecafa ee 17-jirada kadib markii 1-0 ay ugaga badiyeen.

Xulka Soomaaliya ayaa waxaa goolka guusha u dhaliyay ciyaaryahanka lambarka 11aad Farxaan Duqoow waxayna guushan ay tahay mid aad muhiim ugu ahayd xulka qaranka 17-jirada waxaana taasi ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay u soo gudubtay wareega xiga ee tartanka iyadoo kaalinta koowaad gashay.

Tartanka Cecafa ayaa xulka Soomaaliya ayaa waxaa ay wareega hore ay isku guruub ahaayeen xulalka Ethiopia,Burundi iyo Kenya iyadoo kulankii ugu horeyay oo Soomaaliya ay la Ciyaartay dhigooda Itoobiya ayaa waxaa uu ahaa mid ku soo idlaaday 3-1 oo guusha ay ku raacday dalka Itoobiya balse Itoobiya ayaa dhibcihii laga qaaday kadib markii ay ku xad gudbeen sharuucda u taalay tartanka kadib markii garoonka ay soo galiyeen Ciyaartoy ka Weyn 17-sano Sidaasi ayaana Soomaaliya waxaa lagu siiyay sadexdii dhibcood iyo saddex gool.

<

Kulankii xigay ee Group-ka Soomaaliya waxay la ciyaartay dalka marti gelinaya koobka ee Burundi waxaana uu ahaa kulan dhiirigelin loo balan qaaday wiilasha dalkeena waxaana Burundi oo dalkeeda joogtay ay ku fashilantay in goosha wiilasha Soomaaliya ay soo taabato waxaana ciyaartii ay ku soo idlaatay 0-0 barbarro ah.

Xulka Soomaaliya oo ciyaartii ugu dambeysay ka adkaatay Kenya sadexda dhibcood ee Soomaaliya ay ka heshay Kenya waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ugu sareyso kala horeynta Group-ka waxaana ay leedahay 7-dhibcood kaalinta kowaad ayay ugu soo gudubtay qaybaha kale ee ka haray tartanta.

Xulka Soomaaliya oo kaalinta koowaad ku soo gudbay ayaa ciyaarta Semi finalka waxa uu la ciyaari doonaa xulalka Tanzania iyo Sudan xulkii soo badiya halka xulka Kenya oo kaalinta 2aad ku soo gudbay ay wajahayaan xulka Uganda.

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalaya siddeed wadan oo kal ah Burundi, Uganda, Kenya, Tanzania, Zanzibar, Ethiopia, Sudan iyo Somalia.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *