Dilal Qorshaysan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Kooxo hubeysan ayaa xalay siyaabo kala duwan ugu dilay degmooyin ka tirsan Muqdisho Sarkaal Boolis iyo Macalin Jaamacadeed, waxaana dilalkan ay ka dhaceen Dayniile iyo Yaaqshiid.

Dilka hore ayaa xalay fiidkii ka dhacay degmada Yaaqshiid, halkaasoo kooxo bastoolado ku hubeysan ay dileen Sarkaal Boolis oo lagu magacaabayay Xasan Dheere oo ka tirsanaa Laanta Dambi Baarista ee CID.

Kooxdii dilka ka dambeysay ayaa baxsaday, waxaana mar dambe gaaray goobta Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaasoo baaritaano sameeyay, hase yeeshee uma suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dilka ka dambeysay.

<

Sidoo kale dil kale ayaa xalay  ka dhacay Xaafada Oodweyne ee degmada Dayniile, halkaasoo kooxo hubeysan ay Macalin jaamacadeed ku dileen.

Macalinka Jaamacadeed ayaa magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Caddow, waxaana uu wax ka dhigayay Jaamacadda Soomaaliya, gaar ahaan Kulliyada Shareecada.

Lama oga sababaha loo dilay, hase ahaatee waxaa ay qeyb ka tahay dilalka ujeedo badanka ee siyaabaha kala duwan uga dhacayay Muqdisho sanadihii u dambeeyay.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *