Madaxweyne Gaas:” Lacagtii Imaaraatka Ee Muqdisho Lagu Qabtay Qayb Baan Ku Lahayn”

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Madaxweynaha Puntland Ayaa sheegay in ay lahaayeen qeyb ka mid ah lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde

‘’lacagtaa $3 Milyan iyo 600 oo Kun oo ka mid ah Puntland ayaa qeyb ahaan laheyd sida uu inoo sheegay safiirka, waayo Puntland waxaa ku sugan Kumannaan ciidamo ah oo ay tababaraan Imaaaraadka, lacagtaana waxaa loogu talagalay mishaarka iyo saadka ciidamada’’ ayuu yiri Madaxweyne Cabdwali.

Madaxweynu Wuxuu Mar Kale beeniyay iney baxeen Saraakishi Imaaraadkaee tababari jiray CIidamadda Badda Puntland

‘’Dowladda Imaaaraadka waxaa ay inoo sheegeen in aysan bixin oo ay wali ku sii sugnaan doonaan Puntland, runtiina waxaa ay Puntland ka hayaan howlo aad u muhiim u ah, Wax faa’iido ah uma laha dowladda Soomaaliya bixitaan Imaaraadka waayo culeys weyn ayeey arintaa nagu keeni doontaa ’’ ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

<

Sidoo kale waxaa uu sheegay in madaxda dowladda ay la wadaageen macluumaadkaas, ayna kala hadleen sida uu yiri.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in aanu ka war heyn wada hadal u bilowday dowladda Soomaaliya, balse hadii ay jirto ay tahay arrin loo baahan yahay in khilaafaadka la dhameeyo, buuqa la yareeyo, isla markaana la tixgeliyo saaxibtinimada sida uu yiri.

Hadalkan ayaa kuso aadaya xilli xiriirka u dhexeeya dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraatka uu aad u xumaanayo, waxaana Imaaraatku uu Soomaaliya kala baxay shaqaalihii ka joogay.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *