Madaxweyne Gaas Oo Ka Hadlay Balaarinta Dekeda, Mucaardka Xukuumadiisa, Imaaraatka Carabta Iyo Arrimo Kale

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Isagoo boqolaal shacab ah kula hadlayey magaalada Boosaaso ayuu madaxweyne Gaas si adag uga hadlay arrimaha balaarinta dekedda Boosaaso, mucaaradka Xukuumadiisa, amaanka, Difaaca Puntland, Dawlada Federalka iyo arinta Imaaraadka Carabta.

Isagoo tusaalaynaya dhibka ay ganacsatadu ku qabaan dekeda Boosaaso iyo maalgelinta ay ku samaynayaan ayuu sheegay in kuwii ay dantooda ahayd dacaayado ka fidinayaan iyo horumarka.

“Ganacsatadu dhibta ugu badan bay ku qabaan wax soo dejinta markay wax ka keensadaan china ama India waxaa badeecadoodu martaa intaas oo dekedood oo lagu soo furfuraa, markaan 360 million oo maal gelin ah keenay kuwii ganacsatada ahaa baa ka hor yimi”, ayuu yiri.

Isagoo la hadlayey mucaaradka ayuu sheegay in xukuumadiisu tegeyso balse hormarku dalka u hadhayo isagoo ugu baaqay inaan la carqaladayn horumarka.

“Waxaan leeyahay qofkii Cabdiweli mucaarad ku ah dee ha mucaarado lkn horumarka dalka yaan la carqaladaynin, war Cabdiweli wuu tegayaa geed meesha ka baxay maahee dalka yaan la carqaladayn”, ayuu yiri.

Mar uu ka hadlayay Dekeda Boosaaso ayuu sheegay in dadka kasoo horjeeda dhismaheeda ay doonayaan in dekedo kale magan loo noqdo.

<

“Dekedeena 50 mitir oo hoose ayaa ciidu soo aastay hadaan degdeg wax looga qaban wax markab ah kuma soo xidhanayaan kuwa diidan in la dhiso halkee noo wadaan Ma Somaliland oo xabadu isugu kaaya jirto oo Tukaraq noosoo fadhida bay rabaan inaan magan u noqono, haa dee sidaas bay rabaan gunimo ayayna na dhaxal siinayaan, waxaan idiin sheegayaa jidkaa iyo dekedda Boosaaso markii la samaynayey dad reer Puntland ah baa kasoo horjeedey bal waxaad qiyaastaan Puntland oo aan jidkaa iyo dekedda Boosaaso lahayn sidee ahaan lahayd maanta? Kuwa hadda mashaariicda diidan 30 kadib sidaas oo kale ayay la rabaan wiilasheena”, ayuy hadalkiisa ku daray.

Isagoo u digaya kuwa uu horumar diidka ugu yeedhay ayuu sheegay inaan loo dulqaadan karin waxay wadaan.

“Siciid wuxuu hadaya dhahay dhanged baan la dhici lahaa kuwaas lkn aniga hadda waxaa ii hadhay inaan Dhashiike qaato oo keliya”, ayuu yiri.

Arimaha dawladda Federalka ah ayuu ka hadlay isagoo sheegay in dawladda aysan waxyeelo ku ahayn marna wuxuuna dadka xasuusiyey juhdi Puntland gelisey dhismaha federalka.

“Arrimaha dawladda dhexe Puntland juhdi badan bay gelisey dhiig iyo dheecaan bay u hurtay si dawlad soomaaliyeed loo helo ma ogtihiin inta wiil oo reer Puntland oo villa soomaaliya dhexdeeda ku aasan una dhintay si dawladdu u tagto villa somalia, sidaas darteed nagama suurtoowdo inaan waxyeelo u gaysano dawladaas waan taageersanahay dawladeena, ninka hadda hogaamiyana waa nin wanaagsan anagana sxb nimo gaar ah baa naga dhaxaysa kuwa facebook ka qaylinaya intaas ha ogaadeen”, ayuu yiri Gaas.

Intii Gaas khudbadiisa kujirey wuxuu ku celceliyey ereyga waxba qarin mayno isagoo shaqsiyaad gaar ahna farta ku fiiqay.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *