Maxaad Kala Socotaa Boobka Muqdisho Loogu Geystay Saldhigii Imaaraatka Carabta?

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

wararka laga helayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in bililiqo loo geystay xaruntii dowladda Imaaraadka Carabtu ay ku tababari jirtay ciidamadda soomaaliya, waxyar kadib markii ay Hawl-wadeenadii dowladda Imaaraadku ka baxeen magaaladda Muqdisho.

Boobkan ayaa la sheegay inay geyteen ciidamo ka tirsan kuwii ay tababri jireen dowladda Imaaraadka Carabtu, waxaana la soo werinayaa in uu jiro iska hor-imaad ciidamadaas ku dhex maray boobkii ay ka wadeen xerada Tababarka ee Jan. Gordan.

Hawl-wadeenadii Imaaraadka Carabta ee ku sugnaa magaaladda Muqdisho ayaa la soo sheegayaa inay la baxeen qayb badan oo ka mid ah agabkii yaalay xerada dhexdeeda, balse ay ka tageen gaadiid, matooro, qalabka Xafiisyada iyo guryaha iwm.

<

Dad badan oo indhahooda ku arkay ciidamadda oo la baxsanaya qalab ay soo bililiqeysteen ayaa Saxaafadda u sheegay wixii indhahoodu qabteen.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si weyn wuxuu u difaacay si adag, wuxuuna ka codsaday inay sii wadaan kaalmadii ay siin jireen ciidamadda Puntland, wuxuuna dowladda Imaaraadka Carabta ku tilmaamay Saaxiib ay jecel yihiin wax badana uu ka dhexeeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana maanta soo saartay qoraal ay ku sheegeyso in uu bilwoday wadahadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, lagana maleynayo rajo wanaagsan.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *