Maxaad Kala Socotaa Xalka Loo Raadinayo Khilaafka Ka Dhexeeya Imaaraatka Carabta Iyo Soomaaliya?

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Waxaa toddobaayadan cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo dalka Imaaraadka Carabta, taasina ay sababtay in dalka Soomaaliya ay ka baxaan tiro diplomaasiyiin Imaaraadka Carabta oo ku sugnaa gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa isagoo u waramaya Idaacadda VOA wuxuu ka dhawaajiyey in uu jiro wadahadal u dhexeeya Labadda Dowladdood, kaasoo aan ciddina ku dhex jirin ee uu yahay mid fool ka fool ah.

Wuxuuna Wasaiirku intaas ku daray in wadahadlkoodu uu ka dhex dhashay kulankii Madaxda Jaamacadda Carabta ee dalka Sacuudiga ka dhacay oo Labadii ergo ee shirkaas uga qayb galay Somaliya iyo Imaaraadku ay iyagu go’aansadeen inay arrimahooda ka wada hadalaan.

<

Dowladda Imaaraadka Carabta oo qaar ka mid ah ciidamadda Soomaaliya siin jirtay Tababaro, Mushahar iyo dhaqaalaha ku baxa hawlgaladooda ayaa dhowaan shaacisay inay joojin doonaan dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidamadda Soomaaliya, laakiin Wasiir Cawad ayaa sheegay in warkaasi uusan dowladda Soomaaliya soo gaarin.

Wadahadaladda hadda u bilwoday Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa la rajeynayaa in ay Labada dhinac ka sameyn doonaan horumar la xiriira sidii meesha looga saari lahaa kala shakiga iyo in dowladda Soomaaliya ay marin u noqoto siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkeeda in looga danbeeyo laguna ixtiraamo.

Dhowaan ayaa dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag ku dhow 10 Milyan oo doolar oo ay siday diyaarad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana arrintaasi shoolada u shiday xiriirka Xukuumadda Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta oo awalba ku taagnaa ulo Booc ah.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *