Miyaa La Bililiqaystay Qalabkii Imaaraatka Carabta Ee Muqdisho?

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

War ka soo baxay Taliska Hogaanka Siyaasadda iyo Wacyigelinta Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed G/sare Cabdi Xamiid Shiikh Cali (Xaydar) ayuu ku sheegay been iyo wax aan waxba ka jirin warar ay baahiyeen warbaahinta Soomaalida qaarkeed oo sheegayey in ciidamaddu boobeen qalab yaalay xeradda ay dowladda Imaaraadka Carabtu ku tababari jirtay ciidamadda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa ku hanjabay iney sharciga la tiigsan doonaan warbaahinta baahisay wax uu ku tilmaamay warar been abuur ah.

Warbaahinta Soomaalida ayaa si weyn xalay uga hadashay boob la sheegay in loo geystay  xeradda Tababarka ciidamada Soomaalida ee ay gacanta ku hayeen Saraakiil ka tirsanaa dowladda Imaaraadka Carabta.

<

Saraakiishii dowladda Imaaraadka Carabta ee xerada Gen. Gordan ayaa shalay isaga tegay halkaas iyagoo ka qaatay qalabkii muhiimka u ahaa ee ay horay u geeyeen xerada oo ay ka mid ahaayeen qalab Milateri, qalabkaasoo la soo sheegayo inay geeyeen xarunta Safaaradda dowladda Imaaraadka Carabtu ay ku leedahay magaaladda Muqdisho.

Warka ka soo baxay Taliye Xaydar ayaa si adag wuxuu u beeniyey dhacdadaas, walow ay jiraan dad arkay boobka ay qaar ka tirsan ciidamadu u geysteen agabkii yaalay xerada Gen. Gordan.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *