Moorgan Oo Ka Mid Ahaa Qabqablayaashii Soomaalida Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Madaxweyne

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo soo noqday wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadii Kacaanka Soomaaliya, mudana ahaa Qabqable dagaal ayaa isu soo taagay xilka Madaxweynaha Puntland ee sanadka 2018=9-ka.

Jeneraal Morgan ayaa sheegay in ay isku sharaxay sidii uu Puntland uga bedeli lahaa marxalado badan oo ay maanta ku sugan tahay, gaar ahaana wuxuu si gaar ah uga hadlay ammaanka oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin kabaayasha iyo horumarinta ilaha dhaqaale ee dal kasta leeyahay waa siduu hadalka u dhigaye.

Musharaxu waxa sidoo  kale uu ka hadlay shaqo abuur uu sheegay in uu u sameyn doono dhalinyarad reer Puntland oo ka cabanaya shaqo la’aan baahsan, waxaana balanqaadkan uu qayb ka yahay balanqaadyada ay sameeyaan Musharixiinta dhigiisa ah.

Morgan  wuxuu sheegay in uu aqbalay wax uu ugu yeeray dalab uga yimid Shacab badan oo ku nool mandiqadda Puntland, ayna ka codsadeen in uu noqdo musharax Madaxweyne, si loogu doorto xilka Madaxtinimada waqtigan oo ay mandiqadu ku jirto marxalad xasaasi ah.

<
 Hoos Ka Daawo Sawirada;

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *