Warbaahinta Imaaraatka Carabta Oo Shaacisay In La Xiray Cisbitaalka Sheekh Saayid Ee Muqdisho

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Wargeyska Al-cayn ayaa soo daabacay in Dowlada Imaaaraadka Carabta ay albaabadda u xirtay  isbitaalka  weyn ee Sheekh Saayid eek a furnaa magaaladda Muqdisho.

Waxaa kaloo ay dowladda Imaaraadka Carabtu shaacisay inay joojiyeen tababarkii iyo taageeradii ay siin jireen ciidamadda Soomaaliya, waxaana Saraakiishii hawl-wadeenada ee Imaaraadka Carabtu isaga baxeen Xerada Gen. Gordano o aheyd goobta ay ku tababari jireen ciidamadda Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dekedda magaaladda Muqdisho waxay u soo dirtay Markab weyn oo la shegay inay ku daabuleen shixnado isugu jira qalab Milateri iyo agab kale.

<

Xiriirka Labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya inkasta oo shalay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay soo saartay War-saxaafadeed ay ku sheegeen inuu bilowday wadahadal u dhexeeya Labada dal.

Madaxweynaha Maamuka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isaguna shalay War-saxaafadeed uu qabtay wuxuu ku sheegay in aysan Soomaalidu sinaba uga maarmi Karin taageerada dowladda Imaaraadka Carabta.

Xasaradda siyaasadeed ee soo kala dhex dhex-gashay ayaa loo sababaynayaa inay ka soo bilaatay heshiisyadda ay dowladda Imaaraadka Carabtu la galeen maamulka Somaliland iyo Lacag ay iska laheyd dowladda Imaaraadka Carabta oo dowladda Soomaaliya ay kula wareegtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *