Yaa Yiri Ma Ahayn Munaasabadii Qarniga Caanashubkii Beeldaajaha Cali Saleebaan?

Filed under: Muuqaalo,Somaliya,Wararka Maanta,Warbixno,Xulka Puntland |

Munaasibad  Caana-shub ah oo ka dhacay magaaladda Carmo ee Gobolka Bari ayaa lagu caleema saaray   Beeldaaje Maxamed Ismacaaiil Beeldaaje X. Cabdulaahi.

Munaasibadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimahay ayaa waxaa ka soo qayb galay Soomaali badan oo isaga timid dhulka Af-soomaaliga looga hadlo ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo goboladda dalka Soomaaliya.

Dadka ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa Isimadda beelaha Soomaalida, Siyaasiyiin caan ah, Xildhibaano iyo qaar ka tirsan Golayaasha  Dowladda Federaalka Soomaaliyaoo.

Goobta ay ka dhacday munaasibada caana shubka ayaa waxaa ka muuqday muuqaal aad u wanaagsan oo loo dhameytiray xafladda Caleemasaarka Beeldajaha, waxaana lagu qurxiyey agabka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Fardo iyo Gaadiid tiro badan.

<

Isimadii ka hadlay munaasibadan ayaa waxaa ay si qoto dheer uga hadleen masuuliyadda la saray Beeldaaje Maxamed Ismaaciil iyo in looga baahan yahay dadaal ku aadan xaaladaha qalafsan ee bulshaddu xiligan ku guda jirto sidii wax looga qaban lahaa.

Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xafladii loo agaasimay Caanshubka Beeldaajaha wuxuu ku tilmaamay inay aheyd “Caanashubkii Qarnigan”

Beeldaajaha Maxamed Ismaaciil waa Beeldaaje da’ yar, wuxuuna ku dhashay magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose sanadkii 1991dii.

Beeldaajuhu wuxuu aqoontiisa Jaamacadda ku soo qaatay Jaamacadda magaaladda  Kuwala-lambuur ee dalka Maleeshiya uu ka soo bartay cillmiga Shareecadda Islaamka  iyo kan Xalinta khilaafaadka.

www.raxanreeb.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *