Madaxweynaha Puntland Oo Nairobi Kula Kulmaya Madaxda Hay’adda GIZ (Akhriso Xog Dhameys-tiran)

Oct 3, 2018 43 Viewed raxanreeb 0 respond

GAROOWE(RAXANREEB)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, iyo Wafti uu Hoggaaminayo ayaa Goor-dhaweyd u duulay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dowladda Kenya.

Madaxweynaha Puntland oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa Sheegay inuu Nairobi kula kulmi Doono Xubno ka socda Beesha Caalamka, Madaxda Hay’addo Mashaariic ka wada Deegaanada Puntland  iyo Ururo Caalami ah.

Wararka ayaa Sheegaya in Madaxweynaha Puntlanad uu Nairobi kula kulmi doono Madax ka tirsan Hay’adda GIZ ee gacanta ku haysay Mashruuca Wadada Gaalkacyo-Garoowe, taas oo ay Dhowaan Laashey Dowladda Jarmalka oo Bixinaysay Dhaqaalaha ku baxaya.

Madaxweyne Gaas ayaa doonaya in Madaxda Hay’adda GIZ uu ku Qanciyo in Fursad la siiyo uu si Dhab ah wax uga Qabto Sababaha keenay in la laalo Mashruuc, taas oo Dowladda Jarmalku ku Sheegtay Daah-furnaan la’aan iyo in Wada-shqeyn ka weyday Hay’adda Waddooyinka Puntland ee PHA.

Madaxweynaha Puntland ayaa la Filayaa inuu Nairobi ku sugnaado Dhowr Maalmood, Isagoona Todobaadka dambe ku soo laabanaya Dalka, kana Degi doona Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, oo si weyn looga sugayo.

Shabakadda Raxanreeb.net

Xafiiska Garoowe.

Si Aad U Hesho Warar Cusub Riix Halkaan.

Ra’iisulwasaare Khayre “Waa La Isku Raacay Habka Ay U Dhaceyso Doorashada 2020-ka”

Madaxda Dowlad Gobaleedyada Oo Si Adag Uga Hadlay War Kasoo Baxay Aqalka Sare (Akhriso)

Related posts
Your comment?
Leave a Reply