WAR DEG DEG AH:- Madaxweynaha Puntland Oo Ku Wajahan Gaalkacyo, Siina Kormeeraya Dhismaha Wadada Gaalkacyo-Garoowe (Xog Buuxda)

Oct 2, 2018 44 Viewed raxanreeb 0 respond

GAROOWE(RAXANREEB)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa saacadaha soo socda ku sii jeeda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, Iyadoona aad loo adkeeyay Ammaanka Magaaladaas.

Madaxweyne Gaas, ayaa Socdaalkiisa Gobalka Mudug waxaa ku wehlin doona Xubno kamid ah Labada Gole ee Dowladda iyo Saraakiisha ugu Sareysa Ciidamada, waxaana la filayaa inuu Madaxweynuhu ku sii Hakado Deegaanada u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Garoowe, si uu Xog wareysto Bulshada ku nool Deegaanadaas.

Madaxweynaha Puntland, ayaa Ujeedada Safarkiisa lagu Sheegay miduu ugu kuur-galayo Xaalada Ammaan iyo mida Nolaleed ee Gobalka Mudug, gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo, oo muddoomiyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen Falal ammaan darro.

Madaxweynaha ayaa sii Kormeeri doona Dhismaha Wadada Xariirisa Garoowe iyo Gaalkacyo, taas oo la Sheegay inay haatan socoto Daamur saarka 40 KM oo kamid ah, Walow ay si rasmi ah Dhowaan u Laashay Mashruuca lagu dhisayo Dowladda Jarmalka oo Sheegtay in Daah-furnaan laga Waayay Puntland.

Sidoo kale, Wararku waxa ay Sheegayaan in Madaxweynaha Puntland inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo, uu Xariga ka jari doono Mashaariic ay Dowladdu ka Hir-gelisay Gaalkacyo, waxaana Goobaha Madaxweynuhu uu Xariga ka jarayo kamid ah Madaxtooyadda Cusub ee Dowladda Puntland ay ka dhista Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, Ilo Wareedyo ayaa Sheegaya in Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, inuu Gaalkacyo uga sii Gudbi doono Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Madaxda Hay’addo Mashaariic ka wada Deegaanada Puntland.

Goor-dhow naga Filo Xog buuxda oo ku Saabsan Ujeedada Rasmiga ah ee Safarka Gaas ee Nairobi.

Shabakadda Raxanreeb.net

Xafiiska Muqdisho.

Si Aad U Hesho Warar Cusub Riix Halkaan.

Soomaaliya Oo Dacwad Ka Gudbisay Markab Siday Dhuxul Oo Ku Xirtay Dekedda Umm Qasri (Akhriso Xog Dhameys-tiran)

Ra’iisulwasaare Khayre “Waa La Isku Raacay Habka Ay U Dhaceyso Doorashada 2020-ka”

Related posts
Your comment?
Leave a Reply