WAR DEG DEG AH:- Puntland “DF Soomaaliya Waxay Doonaysaa In Mukhtaar Roobow Uu Al-Shabaab Ku Laabto” (AKHRISO)

Oct 5, 2018 84 Viewed raxanreeb 0 respond

GAROOWE(RAXANREEB)-Dowladda Puntland ayaa si adag uga hor-timid Talaabada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku Mamnuucday in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Maansuur, uu u tartamo Hoggaanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda iyo Xariirka Golayaasha Puntland, ahna Afhayeen Madaxtooyadda Puntland C/llaahi Jaamac Quraan-jecel, ayaa Sharci darro ku tilmaamay War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Amniga XF Soomaaliya, kaas oo looga hor-yimid Musharaxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow uu Shalay uga dhawaaqay Baydhabo.

Wasiir Quraan-jecel oo Qoraal dheer soo Dhigay Bartiisa FACEBOOK, ayaa Sheegay in Dowladda Federaalku ay horey u Sheegtay inay Cafis u fidisay Sheekh Mukhtaar Roobow, oo Dhibaato u Geystay Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu Sheegay inay tahay waxaan la qaadan karrin inay haatan dhahdo Mukhtaar Roobow ma uu isku soo taagi karro Madaxweynanimada Koonfur Galbeed, oo Beesha Caalamka Shuruudihii ay ku Cafin laheyd ma buuxin.

Waxaa uu Sheegay Quraan-jecel in Warkaas uu u Muuqdo mid Mukhtaar Roobow Dowladdu ku lee dahay dib ugu laabo Al-Shabaabnimadaadii.

HOOS KA AKHRISO  QORAALKA UU FACEBOOK SOO DHIGAY WASIIRU DOWLAHA MADAXTOOYADDA IYO XARIIRKA GOLAYAASHA PUNTLAND C/LLAAHI QURAAN-JECEL.

Shabakadda Raxanreeb.net

Xafiiska Garoowe.

Si Aad U Hesho Warar Cusub Riix Halkaan.

Madaxweynaha Puntland Oo Qorsheynaya Inuu Bedelo Qodobo Dastuuri Ah & Olale Ka Socda Garoowe (Akhriso Xog Rasmi Ah)

WAR DEG DEG AH:- Beesha Caalamka Oo Dib U Dhigtay Shirkii Madaxda D/gobaleedyada Ee Garoowe (Akhriso)

Related posts
Your comment?
Leave a Reply