Home » Archives by category » Somaliya (Page 4)
Fahamka Shan Qodob Oo Ku Saabsan Hadalada Iyo Ficilka Is Khilaasan Ee Lagu Wajahay Imaaraatka Carabta!

Xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraatiga ayaa markale banaanka keentay jahwareerka siyaasada arrimaha dibada ee ku aadan khilaafka khaliijka iyo waliba xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraatiga oo meelo badan isaga xiran. Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay Qoraal ay ku sheegayso in ay xal u raadineyso xurgufta soo […]

Continue reading …
Wariye Cabdi Salaan Herari Muxuu Ka Sameeyay Magaalada Garowe Ee Caasimada Puntland?

Cabdisalaan hareeri oo kamid ah suxufiyiinta waweyn ee ka howlgala warbaahinta Afka soomaaliga wax ku tabisa ayaa Magaalada Garoowe kusoo bandhigay Buugga FEEDH QALLOOCAN oo uu qoray Nuradiin Faarax,Cabdisalaana uu turjumay uuna u badelay afka hooyo. Munasabad ay kasoo qaybgaleen Siyaasiyiin ,Madaxda Jamacadda,Arday ,Ganacsato ,Qurbe –joog & marti sharaf kale oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Jamacadda […]

Continue reading …
Siyaasi Caan Ah Oo Doonaya Kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Waa Kuma?

Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shir jaraa’id uu goor dhow qabtay waxaa uu ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka banaan ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii mooshinka ka waday Guddoomiye Jawaari, isla markaana dhowr jeer ugu baaqay inuu […]

Continue reading …
DAAWO: Maxaa Maanta Ka Dhacay Xerada Ciidanka Badda Puntland?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 16 April 2018 waxaa uu kormeer ku tagey xarunta ciidanka Badda ee Puntland ee PMPF ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga ee Puntland, islamarhaantaana ka hadlay xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Dawladda Isutaga Imaaraatka Carbta iyo Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda […]

Continue reading …
Maxaad Kala Socotaa Boobka Muqdisho Loogu Geystay Saldhigii Imaaraatka Carabta?

wararka laga helayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in bililiqo loo geystay xaruntii dowladda Imaaraadka Carabtu ay ku tababari jirtay ciidamadda soomaaliya, waxyar kadib markii ay Hawl-wadeenadii dowladda Imaaraadku ka baxeen magaaladda Muqdisho. Boobkan ayaa la sheegay inay geyteen ciidamo ka tirsan kuwii ay tababri jireen dowladda Imaaraadka Carabtu, waxaana la soo werinayaa in uu jiro […]

Continue reading …
Shirkadaha Daallo Iyo Jubba Oo Iska Difaacay Eedeyntii Musuqmaasuq Ee Xujayda Ay U Jeediyeen

War qoraal ah oo ka soo baxay Laba shirkadood ee Duulimaadyada Diyaaradaha ee Jubba iyo Daallo Airline ayaa waxay kaga hadleen arrimaha Xajka iyo eedeymo loo soo jeediyey oo lagu dhaliilay sicirka tikidhada ay ka iibiyaan Xujeyda. Labada shirkadood ayaa si wadajir ah uga sheekeeyey taariikhdii dowlad la’aanta ay Soomaaliya aheyd iyo kaalintii ay ka […]

Continue reading …
Yaa Yiri Ma Ahayn Munaasabadii Qarniga Caanashubkii Beeldaajaha Cali Saleebaan?

Munaasibad  Caana-shub ah oo ka dhacay magaaladda Carmo ee Gobolka Bari ayaa lagu caleema saaray   Beeldaaje Maxamed Ismacaaiil Beeldaaje X. Cabdulaahi. Munaasibadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimahay ayaa waxaa ka soo qayb galay Soomaali badan oo isaga timid dhulka Af-soomaaliga looga hadlo ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo goboladda dalka Soomaaliya. Dadka ka […]

Continue reading …
Maxaa Ka Cusub Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya?

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay shir-madaxeedka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Al-Dahraan ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay madaxda Carabta, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay […]

Continue reading …
Dawlada Soomaaliya Oo War Saxaafadeed Deg Deg Ah Kaso Saartay Go’aanka Imaaraatka Carabta, Maxay Ka Tiri?

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta ay wadaagaan xiriir xooggan oo siyaasadeed, dhaqaale iyo mid dhaqan oo soo jiray qarniyo, iyadoo Madaxda Soomaaliya ay xaqiijiyeen inay go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee ka dhaxeeya labada dal. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku qornaa afka English-ka in Soomaaliya horumar […]

Continue reading …
DAAWO: Madaxweyne Gaas Muxuu Ka Yiri Go’aanka Imaaraatka Carabta?

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inaysan jirin cid u dhaanta dawlada Imaaraatka, xilli Imaaraatku ay hakad galiyeen taageeradii ay siin jireen Puntland, ayna la baxeen Saraakiishooda. Hadalkan ayuu ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xerada Ciidanka badda Puntland, ka dib markii uu booqasho ku tagay. ”…..Waxaan idiin sheegaya in […]

Continue reading …